
markaas buu ku yidhi "Naago Naxariis iyo Jilayc waxba kuma lahee Ardooy Jiilaal cusub baa ku bilawday ma anigaad xoolahayga waxaan ka yeelayo i waydiinaysaa"
Wiil 2 gu'u Jira oo Geedi curadkiisa ah baa oohin la fadhiistay, Geedi inta uu xagiisii ku dhaqaaqay, Ardo ayaa inta ay kor u booday cunugii isku duubtay. "caruuri waa beere" , markuu ku dhawaaday ayuu miyirsaday oo is yidhi ma sabigaas baad gacan ula tagaysaa?
Inta uu shaydaankii iska naari ayuu geed waadaan ah oo reerka ku agdhawaa hoos fadhiistay.
Ardo oo yaaban oo wali amakaag dhabanada la haysata, ayaa mar ay fiidkii tahay Geedii soo kacay oo xageedii u soo dhaqaaqay. naxdin aawadeed ayaa ardo wadnaheegu dhag dhag la hayaa, markuu dul istaagay buu yidhi . "Ardooy Imisaan ku lahaa Xoolahayga waxa aan ka yeelayo ha i waydiin, Imikana wixii dhacay dhacye, oo dibigii dhiin waakaa bakhtigiisii i hor yaal taas baana murugo iigu filane!!, Dibiganu miyaad garanaysaa!!, aheey ah, Naa soco Hilibkiisa uun aan calfadee ii soo kari"
Ardo Juuq kale iyada oo aan bixin way kacday oo xagaa iyo bakhtigii dhiin bay u dhaqaaqday.
Dhacdadani mid ku cusub may ahayn Ardo, oo afarta gu'u ee ay Geedi ooridiisa ahayd, dhawr jeer ayuu sidani waa saleelee oof qaadsiiyay. Sidoo kale Ragga dagaanka oo idilba sidii uu sigaarku u soo galayba Naf kagama ay kicin oo dumarkooda oo mar kasta oo xaraaradu timaad ba bahalkiina lawaayo cadho iyo meel ka dhacba waa la sugayaa.
Ka Qayb Qaado la dagaalanka Tubaakada oo badbaadi Ardo iyo dumarka la midka ah.
Badbaadada Qoysku waa Aasaaska bulshada.
No comments:
Post a Comment