Friday, July 20, 2012

Soonku daranaa maanta! Eebaw Aqbal

 Maalinkan Kulul ee Milica Darani dhacayo, Soonkuna noo socdo....

Ma anuun baa
Misa waa oon
Milic iyo sirir
Nafta moostoo
malkinaayoo
maanta noo yimi?
********
soonka milaygani
Mawlihii baa
mu'miniintiyo
Muslinkoo idil
ka mid yeelee
bal magaagiyo
Muusannawgani
Cadnaan maandhaw
Meeris yara gali!

Monday, June 25, 2012

Let us take the Mighty Pens..

The people of the Horn has started to believe in Eduction, it is the booming trend, they simply started to realize that "Ignorance Kills", that Reading and Writing are our only salvation from this Doom circle that we are abound in. They Started to realize that Books are the candles of civilizations and pens are its spears. when taken care of, books will guide us to right path, marka sayaxa la badana waadaan inaga ridaya. That is a peak of hope, Because we are the nation of Iqra'a ,and the first word to be revealed to the Prophet (Salaa Alaahu calayhi wa salam) was Iqara'a "Read".


Tuesday, June 12, 2012

A pity loafer


A pity loafer I am
Who's hiding in the lum
Not wanting to sweep
Or the chores complete
At the bottom I dwell
And on my bed I swell

On darkness I thrive
And the light I despise
A pity loafer I am.





Wednesday, March 28, 2012

Waxaan u soo Joogay :!


Dharaar waliba sheeko cusub bay la timaad, Qorax walba oo soo baridaana waayaheeda ayay leedahay. Maalin tu kale sawaabisaa ma jirto, mid waliba waa aroor gooni ah iyo foof cusub.
Waqtigu intaasi wuu is gurayaa, wuu ordayaa, wuu ruclaynayaa, xaguuse igu wadaa? ma godkii Aakhiro iyo iil!.
Hadii Dunida lagu waarayoo daayin noqonayso, Nabi Maxamed (NNKH) baan laga direen goor la joogaba'e.

Yaqiinta ama dhabta qudha ee noole beenin karaa jirin waa geerida, Maalin kasta warkeeda ma li'in oo hebel baa go'ay iyo heblaayo ayaa hoyatay way ina soo gaadhaa. Dabcan dhaawaca iyo xanuunka geeridu inagu kala wayn laakiin sidii umusha waan ilawnaa oo muddo markay kasoo wareegto, giraantii nolosha ayaynu halkii ka eryanaa.

Ilaahay Qof kasta gooni buu ka dhigay, gooni baa loo abuuray, aakhirana gaar ayaa loo xisaabinayaa. Ruuxna ruux kale la waydiin maayo! Aadamaw waa adiga iyo Eedaadkaa....
Sida taas oo kale nolosha qof wali noolyahay wacdaro iyo waayo gaar bay leedahay, badhaadhe iyo jab gaar ah bay leedahay, Madaw iyo cadaan gaar ah bay leedahay, dad iyo duunyo gaar ahna way leedahay.

Baryaha Tirada kooban ee faro-ku-tiriska ah ee aan jiray, Dhul badan baan maray, dad badana waan arkay, Laakiin saamaynta ay igu yeesheen kala fog oo kala balaadhan, maalmuhuna kala dhadhan iyo xusuus macaan.

Inaan mareegtan cid waliba dheeganayso kaga sheekeeyo waayahayga ma jecli, Laakiin qof waliba hadii uu dib u raaco waayihiisa, dib u fiirsho waxa soo maray, runtii waxa uu arki karaa in Buugag dhan ka qoranyihiin, waad muraaqoon mararka qaar oo adiga oo muusoonaya ayaad is arki, mararka qaarna waad murugoon oo adiga oo wajiga is galiyay baad dareemi.
Dad aadan baryahan xusin ayaa mar qudha sida danabka ku jiidhi doona, qaar kalana galladahooda ayaa tirada ka bixi, Hadii aad si gun dheer u sii xusuusato, dad ayaad dareemi inay noloshaada qayb wayn ka qaateen oo ay wax ka gaysteen abuurkaagan maanta nool ...
Hadaba "Abaal raaga rag baa lehe" , Ha iloobin dadkaasi..

Maxaan u soo joogay hadaba?

Waxaan u joogay, Waayahayga gaarka ah, Weedhahooda kala duwan, Wajigooda sooca ah.







Friday, March 2, 2012

=Sanad-Guuradii 40-aad ee ka soo wareegtay Qoritaanka AF-Soomaaliga

Dhalashada afkaygiyo
Dhigashada Fartaydaan
Kaga baxay dhibaatoo
Hawlihii ku dhaafee.
Waa inaan ku dhaataa afkayga!

~Hadraawi

Weedhahaasi ma dhab baa misa waa dhalanteed, Hadii dharaartii afka la qoray lagu dhaadanayay, maanta waaba laga dhalaalayaa, Hadii Afkani hadli lahaa, oo dhawaaqi lahaa, calaacal lamuu fadhiisteene, Inkaar iyo habaar ayuu dusha inooga tuuri lahaa, carabkiisa wax wacan oo ina sheegaya kamay soo baxeen.

Miskiinkan Laxashka Saaran, een Miciin iyo lahayn cid u gargaaraysa, Miskiinkan Milica xagaaga iyo haamadayga Jiilaalku isu waydaarteen, Miskiinkan Qorax waloo soo baxdaa rukun ka reebto, Golcas walba iyana Raxan ka qaado.

"Wixii la qoraa, Quruumo Hadhee, Muxuu Hadal qiimo leeyahay"
~Cabdi Sinimoo

Imisa Hanad baad afbartay, Imisa Aftahan baad Ilhaamisay, Imisa Abwaan baad Laaskaaga u hibeysay. Badanaa oo Badanaa galladahaagu, Yaraase ruux ciddina dhahoo wax kuu quudhay, Wax kale garan maayee, Caaqsanaa Awlaadaadu!

Waxba yaan hadalku Ila durkine waxaan ku soo duubay

Af-yahaw Irdhoobayee, Aduunyada ku gaamuray, Aayahaagu daranaa!,
Hadii aad nin door tahay, Kolay waad aragtoo, Adba waad qiyaastaye ,
Arladani dusheeda, Ayaamaad ku leedoo, Iilkii baa ku sugayee,
ina aad dhawaatay, Afar-laydan Bukaanka ah, iyadaa markhaati ah...
aan soo dhaweeyee, wacanaw afkaygaw,Arrintii xumaatee, miyaan ku aroosnaa!,

Thursday, January 26, 2012

Suugaanta Dhalaanka

"Daayeer iyo Ilmo dhalaan ah , Daawashadooda lagama daalo"

Caruurtu waa Bilicda nolosha sida Eebe Ku xusay Quraanka, Caruuri waa beer, Waa Mucjisooyin luga leh, Markay ay dhoolaha kala furaan ee ay qoslaan, Xadhko ayaa ku dhaqaaqa markaasaad sidii cuudka oo kale kolba Cod iyo jabaq adiguuni aad maqlayso kaa soo yeedhaa, Xasilaad baad gashaa oo daal iyo diif wixii ku saarnaa mar qudha ayay kaa dagaan.
Markay ay soo gurguurtaan ama soo xamaartaan ama ay soo talaabsadaan ee ay goshaada ku dagaan si lama filaan ah ayaad u muusootaa,oo waxaad is aragtaa adiga oo labada dabaq ee ilkahaagu dibada yaalaan.
Dhalaanka Codadkood iyo weedhahooda aan badiyaa la dhugan karin lana fahmi karin ayaa dhagta u ah nasiimo , Hadii ay dhaguhu wax xalaal ah oo Eebahay baneeyay ku raaxsanayaan waa dhawaqa shimbiraha, Codka dhalaanka iyo Quraanka.
Haddaba Abuurkan Waalidkiisu u qabo Muxubada aan xuduudka iyo shuruuda lahayn ayaa waxa uu u sameeyay tixo iyo tiraabo soo jiidasho leh, Gaar ahaan dhinaca hooyooyinka oo iyagu ka sakow xublada sagaalka bilood iyo xanuunka fooshee, quudiya oo saba dhalaankan ilaa inta uu labadiisa lugood ku istaagi karo, kama hadhaane isagoo ciroole ah ayay wali is waydiiyaan talow caawa sidee buu ku laday? saaka siduu ku baryay?muxuu ku suganyahay? iwm.

Maadaama ayna jirin meelo kayd ah oo badiyaa loogu hagaago walxahan oo kale ayaa aniga oo xusuustayda la kaashanaya xagani aan ku xusay qadhiidh yar oo ka tirsan suugaantaas loo tirin jiray dhalaanka. Badiyaa intan waxa aan ka maqlay Ayayday (AUN) oo walaalahay kuwa iga yaryar iyada oo u qaadaysa ay dhagtaydu xadi jirtay.

Suugaantan lafteedu Ilmaha aad ayay uga caawin jirtay barashada afkan soomaaliga. Dad haatan waawayn ayaa aan fahmayn macnaha tuducyo badan laakiin waxaan odhanayaa, waa nasiib xumidiin hadii markaad yaraydeen ama idinkoo waynba meel agtiina ah laga qaadin.

Ta kale ee muhiimka ahi waxa ay tahay inaad taqaan ama horey u maqashay qaabka loogu dhawaaqayo ama loogu luuqaynayo oo iyadu dhadhan gooni ah u yeelaysa.
inta badan waxa ay wadaagaan ""Huwaay Huwaay Huwaayaaa"

Adoo xalxaleetinaaya
Adoo xeebaha gudbaaya
Adoo xamar yare ku jooga
Adoo gabdho xoominaaya
Ayaan xalay kugu riyooday
oooon xalay kugu riyooday"Huwaay Huwaay Huwaayaaa"

------------------------

Ayaa dilay oo dagaalay
ayaa Dakharada ku jiiday
Ninkii dilay dayni maayo
Dagaal baa naga dhaxeeya
dab iyo qool baan u qaadan
"Huwaay Huwaay Huwaayaaa"


Tan iyo ta soo socota marka ilmahu ooyo ayaa lagu sabaa.

Ma naaskii baa gabnoobay
Gabnoobay ood godol ka wayday
ma geelii baa arooray
arooroo oon ku raagay
ma aabaa kaa socdaalay
socdaaloo socod ku raagay "Huwaay Huwaay Huwaayaaa"



Hooyadaa Ma joogtoo
Kabaheegay qaadatay
Kor iyo koonfur aaday
Geel-jire helyaa mooyi
Geed seexataa mooyi.

Wednesday, January 18, 2012

Tubaakada iyo Badbaadada Qoyska

Geedi ayaa xilli golcastu sii dhacaysay inta uu seeftii galka ka siibay, Dibi damaan ah oo reerka u joogay Gawracay, Ardo oo xaaskiisa ahayd baa ku tidhi "Geedaw ma marti baa imanaysa" , Hadal umuu celine farogorgor intuu u dhiibay baa iyadii oo afka dhiig ka hoorayo dhulka hawaarsatay, Kamuu hadhine Xanjaadka ayuu laad u galiyay
markaas buu ku yidhi "Naago Naxariis iyo Jilayc waxba kuma lahee Ardooy Jiilaal cusub baa ku bilawday ma anigaad xoolahayga waxaan ka yeelayo i waydiinaysaa"

Wiil 2 gu'u Jira oo Geedi curadkiisa ah baa oohin la fadhiistay, Geedi inta uu xagiisii ku dhaqaaqay, Ardo ayaa inta ay kor u booday cunugii isku duubtay. "caruuri waa beere" , markuu ku dhawaaday ayuu miyirsaday oo is yidhi ma sabigaas baad gacan ula tagaysaa?
Inta uu shaydaankii iska naari ayuu geed waadaan ah oo reerka ku agdhawaa hoos fadhiistay.

Ardo oo yaaban oo wali amakaag dhabanada la haysata, ayaa mar ay fiidkii tahay Geedii soo kacay oo xageedii u soo dhaqaaqay. naxdin aawadeed ayaa ardo wadnaheegu dhag dhag la hayaa, markuu dul istaagay buu yidhi . "Ardooy Imisaan ku lahaa Xoolahayga waxa aan ka yeelayo ha i waydiin, Imikana wixii dhacay dhacye, oo dibigii dhiin waakaa bakhtigiisii i hor yaal taas baana murugo iigu filane!!, Dibiganu miyaad garanaysaa!!, aheey ah, Naa soco Hilibkiisa uun aan calfadee ii soo kari"

Ardo Juuq kale iyada oo aan bixin way kacday oo xagaa iyo bakhtigii dhiin bay u dhaqaaqday.

Dhacdadani mid ku cusub may ahayn Ardo, oo afarta gu'u ee ay Geedi ooridiisa ahayd, dhawr jeer ayuu sidani waa saleelee oof qaadsiiyay. Sidoo kale Ragga dagaanka oo idilba sidii uu sigaarku u soo galayba Naf kagama ay kicin oo dumarkooda oo mar kasta oo xaraaradu timaad ba bahalkiina lawaayo cadho iyo meel ka dhacba waa la sugayaa.


Ka Qayb Qaado la dagaalanka Tubaakada oo badbaadi Ardo iyo dumarka la midka ah.

Badbaadada Qoysku waa Aasaaska bulshada.

A Wikipedia Blackout!!!

Wikipedia has been around for the last decade, giving away knowledge to all those who could access the World wide web, enlightening our minds, taking darkness away, feeding our curiosity, unfolding the mysteries of this universe, and if there is another universes wikipedia would have written about it too, All that without a dime….

I still Remember the Day that I was introduced to my dear friend “Wikipedia”, I was in high school and that day I kept surfing through it, it puzzled me, it was a mind boggling experience.

It was love from first sight, but today I realized that Wikipedia is no longer a website on the internet it is part of my daily routine, it is a guru that we seek wisdom from, it is a fountain that irrigates our minds with easy accessible knowledge.

I am sure that wikipedia was started on good intentions, for that it flourished until we can see where it have reached today, 15 million articles, another proof is people are helping it grow by the second, one may argue that wikipedia is a flawed research tool, they are right but so be it because wikipedia helped us exchange knowledge, from north – south east-west, once we insert wikipedia address and click enter, we step into a whole different world, a room that all humans sit down and talk, Wikipedia is a new BABEL…

I urge my fellow Wikifans to protest by the Blog and the Keyboard to save the soverignty of our shared Loved “Wikipedia”

Wednesday, October 5, 2011

Home Sweet Home....


Once the plane landed in Berbera International (As they claim) airport, I rushed my way through the aisle to the door to breath the Somali air, Whilst at the door, I stood a while and had a distant gaze like that of a migrating bird. All what I saw was Abaar, No People or Xoolo in my view, contrary to what I have imagined in my extremely colorless mind.



I went inside the airport(Old soviet building) nothing was official, At that moment I knew I was home, There are laws and regulations, but I guess they only exist to impress Western donors and si lacag looga furto dadka aan waxa meeshaa ka socda garanayn. Anyway I got my entry
stamp and left the airport.


Although I was away only for 4 years, But the tarmac roads were unsafe and hellish, I could'nt believe that we used to brag about this 4 metres tarmac road-like built in the 80s by the late regime. The human is only what he sees, a breed of his environment.

While on the bus, full of Ahlu murqaan, I tried to withdrew clumsily like a defeated army in retreat, But They won't let a soul on the bus to just sit their and be a dead weight to bear, I was forced to join those murqaaned guys who actually just want to listen to their own philosophies , our conversations impatiently shifted from side to side but most importantly I tried to preach them about QAT and Smoking, they listened and resisted but by the time i tried to ask them questions, I discovered that they already moved on, taking refuge in unscientific generalizations (Dadkuu colaada ka hayaa, Waa quutul Awliyaa'a, Imisaa dad ku nool etcetera etcetera).


At the brightness of dawn and the light of the sun, We passed guban area, we reached a much better land, the trees retained their leaves and neecawda in dhawaanahan roob ku da'ay ayaad dareemaysay, dhirtuna waa magoolaysay, Reero jidka daafihiisa dagan ayay ishu qabanaysay, hadaan sii milicsaday waxaan dareemay in xoolohoodu ahaayeen qaar dhawaantan abaaro ka baxay oo ka soo doogaya, Eebe ayaa sidaan filayo dadkan ugu naxariistay bisha tan barakaysan, Waxa sida danabka maankayga jiidhay dadkii shaashadaha aan ka arki jiray, dhawaaqoogana aan ka maqli jiray idaacadaha ee ku dhibanaa Koonfurta soomalia, Nimankii baska saarnaa ayaan ka waraysatay, Ereyo Naxariisi ku dheehantahay ayay ku jawaabeen, They were very sympathetic with their brothers, I realized Somalis are not completely merciless, but just like a lion, their shells are strong and frightening but their hearts are warm and forgiving.

to be continued....

Thursday, June 30, 2011

Aniga iyo Maandeeq


♥♥Hashaan gaado weynow libaax uga gaboon waayey♥♥

♥♥Inaan gorayo cawl uga tagaa waa hal soo gudhay♥♥---Cabdilaahi Suldaan Timo-cadde


Hasha maalintaas Timo-cadde Gorayo-cawl inuu uga tago diidanaa, Maanta waxa looga dhaqaaqay ban daleel ah, oo Bisad sabaad ayaa eryata, Hashii barax bay qaaday, milica ayaa salooshay, Haamadayga bankaasina wixii biyo ku jirayba wuu ka saaray.
Hashii wax caano ah lagama filo, waa duq nus qarni taagan, 20 ka mid ah intaasi meel ay jaan iyo cidhib dhigtay lama oga, intii ka horaysayna iyadoo daranyo ah ayay meelahaasi sidii dawri aar kolba raas lagu sheegi jiray.
Waxa mucjiso ah in Maandeeq wali nooshahay, soo taagantahay, rajo uun wali qabto, oo leedahay , "Maruun baan, Maruun bay iyo way iman."
Ta wali su'aashu ka taagantahay waxa weeyi.
Maandeeq yaa iska leh?
Waagii hore waxay ahayd, INAGA, imika waxay tahay IYAGA, Hadhawna sidaan kuhaaminayo waxay noqon CIDNABA.

*Maandeeq i deeqdaye
Adigaa duriyadoo
Waligaa an daaline
Adigaan wixii dan ah
waligaa an diidine
Dadkani habaaska ah
Daranyada u yaala
Kaalay daweeeyoo
Ducfiga ka saaroo
Dunidaasi gaadhsii

*Maandeeq Dayaantay
Durdur aan iga fogayn
Dooxyo noo dhexeeyaan
Doc aanan garanayn
Dubaaxeed ka maqlay

*Sidii nin dardaranoo
Dalanbaabi haysto
Dacalkayga eegay
Dibtayda Fiirshay
Kana dayay hareeraha
deetana dayaamay
Maandeeq Maandeeq
Dunjigaa dareemee
Ereyada i deeqsii

*Ducaysane cadnaanaw
Daktooraw Dhagayso
Doodanaad wadaa waa
Mid hortaa la darsoo
Duqaydii horaytiyo
Nin-door ku daalaye
Dawadoo qayaxnoo
Duxdeedii sidataan
Doobi kuugu shubiye
Bal daji amuuraha.

Maandeeq curatayoo
20 dabshid hortood bay
Duunyada Korkeedan
Qaalin ku dihataye
Abshirskii dadkaygii!!!!
----------------------------
-----

Sunday, June 19, 2011

Nationalism-ka somalida

Laxooxda "Canjeerada" "indho-badan" Ninba waa siduu u yaqaane, oo ah walaxda kaliya ee wali in Soomalidu wadaagto ee aan muran ka taagnayn, ayaa mukhtabar "laboratory" la geeyay si loo soo baadho, Waxa la soo ogaaday inay 20% ay tahay Wadaniyad ( Waayo Iron baa ka buuxda, Birtuna "Iron" waxay ka timaad carrada "Ciida" , Carraduna Dhulka soomaliyeed Bay ku xusuus galisaa) ma Xuma oo waxay muujinaysaa Dhul jacaylku inta uu leegyahay iyo wadaniyada xad dhaafka ahi xagay ka timid.
Baadhitaankaas waxa kale oo lagu ogaaday in 3% ay tahay protein , taasina waa ta jimidh yarida soomalida ku keentay. 7% waxay noqotay waa khamiiriye "Bikin" oo ah dulin yar oo lagu daro si ay horey ugu faxdo, isagan waa la kala ergistaa oo sida cadaatay waa "the same strain" dhamaantii taasina waxa lagu micneeyay intay tahay ta soomalida isku dayashada ku abuurtay.

20% waxay noqotay carbohydrate taas oo siisa soomalida tamarta ay ku socdaan ku shaqaystaan iyo waliba ku sheekaystaan.

50% soo hadhay ayaa culimadii baadhitaanka samaynaysay xayar galiyay, waxa ka soo baxay moolakiyuulka ah C28H14q , molekiyuulkan ayaa hore loogu xusay in uu kamiyaad intan ka yar looga heli jiray Carabtii hore "jaahiliyiintii" , Cawaanta afrikaanka ah qaarkood , cali baysteenka iyo aboriginska australia.

SUAAL: MOLECULE-KAN SOOMALIDU MAGAC BAY TAQAANE SHEEG HADAAD GARATO?

Oh Allah! Save us from the Balwo.

The advent of "Balwo" Musical style was met with disdain by the contemporary religious and cultural figures of the time. one of th...