Wednesday, October 1, 2008

Maanso - ciid

Marka hore ciid wanaagsan.
Tixdan oo aan ka tiriyay xaflad ay qabsadeen ardayda soomaaliyeed ee magaalada irbid ee dalka Jordan maalintii u horaysay ciidii subaxnimadeedii 2008/sept/30.
Tixdu waa yara majaajilo, waayo maalintaas waxa aan qaabilsanaa madadaalaynta dadwaynaha ka qayb qaatay xafladaasi.


salamun calaykum
calaykum jamiican
wa ciidan kariiman
calaa kuli naasi
waa khaasan ilaykum

ciidii bilaydee
casiiskii sameeyee
ku casuumay uumaha
maantaan cunayaa

cibaadkii ramadaanta
eebe caabdudaayaw
ciidiini weeyee
camalkiina midhihiis
kaalaya cashuurta

waa maalin ciidoo
lagu cibro qaatee
camal san iyo khayr
wixii caado sax ah
kuna cad quraanka
cidna diidi maysee
cashirkaygan labalee
carabbkayga dabadiisa
caqaliga dhexdiisa
aan ka soo caraabshay
een cabiraayo
iga yara cigaalta

caymiska dunidan
gaar ahaan cideena
waa cududo dhawr ah
cudud waa cibaado
casiiskiyo adoomaha
kala dhex curduuban
cudud kalan waa qariibiyo
xigtiyo cidii dhaw
tu kalena waa cimroo
laga cibro qaato

dheerayn maayo caadane
culimadan madaxdaw
cuqaashii dulaabtii
cudurdaar marka hore
cambaaburkiyo ciirtii
caadadii dadkeena
ma cirkaa u laasheen
caynkaas haday tahoo
dhul carbeedku keenay
cadkee digaagee
aad ciirsanaysaan
isagoo casaana
oo waliba cusayba
cuudkii khudaartuna
uu ka soo carfaayo
culimaw na hordhiga
yaanan hilmaamine
ciladaha ka dhawra

aan is cadeeye imikee
shacabaw hortiina
kama cartamaayoo
cabsi baa i haysee
aan carbaabo sheekada
oon cadeeyo xaajada

cajab iyo layaab badan
kolba cayn umuuruhu
shay cahdigii horiyo
ka soo hadhay cidaamkii
cusaybkana ku soo dhaw
dhoolahana cadeeyaan
soo cabiraayaa

kolay ma curinoo
downlodii weeyee
cirka afka u jeedshoo
hawadaasi yara caboo
idinkoo cagaagana
cagihiina balaadhsoo
sida cagafta beeraha
ula dhaca taxtka

Oh Allah! Save us from the Balwo.

The advent of "Balwo" Musical style was met with disdain by the contemporary religious and cultural figures of the time. one of th...