Wednesday, September 2, 2015

second of September 2015

 Cunugyahaw ayaamahan
curadkayga noqonee
aan sugaayay dhawr cisho


Cawa badan nasiibiyo
caafimaad laxaad liyo
cimri dherer wanaag liyo
caqli buuxa oo ladan
caadilkii ku uumaan
kaaga baryay caawee
cunugyahaw ogsoonaw

cibro qaado oo dhugo
cibaadada ha moogan
Rabbigaa ha caasiyin
caqiidada ogsoonaw.

Hooyadaadan ceeshkiyo
aad ka idlaysii calafkii
iyadana ha caaqinin.
Bilo bay ciqaabnayd
hurdadii ka caagnayd.
aduun kuu cayuubnayd.
Waligaa ciseeyoo
cindigaaga maqashii. 




Oh Allah! Save us from the Balwo.

The advent of "Balwo" Musical style was met with disdain by the contemporary religious and cultural figures of the time. one of th...