Sunday, August 25, 2013

و الشمس و ضحاها

Muuqaalka kan oo ah mid qof kasta oo ku noolaa degalka Soomaaliyeed aqoonsanayo, ayaa waxa uu tusaale u yahay in waxbarasho la'aanta marmarsiyo looga dhigi karin buug la'aan , xaashi la'aan iyo qalin la'aan. Buugta aadame ayaa qoray, isna waa joogaa, "Hadii hanku jiro jid loo maro lama waayo"

Maankaygu waa gobanimo-doon!

Aniga oo hor yuurara Computer-kayga oo qalaamo rogaya bogaga shabakada internetka, ayaa waxa iga soo hor baxay qoraal aan aad u dhibsaday, waxa ay naftaydu igu boorisay inaan war-celin ka bixiyo oo qofka waxaasi ku hadaaqay fikirkayga lidka ku ah u muujiyo. Faraha markii aan saaray Keyboard-ka een ereygii ugu horeeyay qorayba, dib baan u tirtiray. Waxa aan ka cabsaday dadka akhrin doonaa inay iga qaatan aragti aanan rabin, ha u badnaadeen asxaabta iyo ehelkee.



Dhacdadan ayaa maankayga ku dhalisay waydiimo gun dheer, ma u madax-banaanahay aragtidayda? maankaygu ma yahay mid gobanimadii qaatay oo xor ah? ma waxa i dabraya oo i seetaynaya dadku waxa ay iga qaadanayaan? iyo waydiimo badan oo la hal-maala.

Isla markiiba waxa aan ku  garwaaqsaday in maankaygu la-hayste u yahay bulshada aan ku dhex noolahay,  oo aan si dhaadasho la'aan ah ugu hogaansahanay. Waan rog-rogray oo hadana waxa aan gartay in meesha sartu ka qudhuntay ayna ahayna fikirkayga ee ay tahay soo bandhigista iyo wadaagista fikirkayga. Bulshada majaraha uma qaban karto waxa ka dhex guuxaya maankayga, maba oga, way mooganyihiin, Aniga iyo Ilaahay ayuuna naga dhexeeya, Laakiin bulshadu waxay dhangado la taagantahay ardaaga aan ku soo bandhigi lahaa waxa iga dhex guuxayay.

Ereyga Eebe caza wa jalla waxii aan ahayn inaan ka fiirsado, ogolaado ama diido waxa ay ka mid tahay xuquuqdayda qofnimo, waana sababta Ilaahay noogu mannaystay maskaxda. Duurjoogta iyo Dabjoogta waxa kala duway midi waxa uu u hogaansamay aadamaha kan kalana wuu diiday, waa abuuristooda, oo Ilaahay baa ku alkumay.

Waydiin kastaa waxa ay leedahay war-celin, taydu waxay noqotay inaan u kaco hayaan dheer oo gobanimo doon oo aan madaxbanaani iyo geesinimo ugu helayo maankayga kana xoroobayo xadhkaha bulshada.!!



Oh Allah! Save us from the Balwo.

The advent of "Balwo" Musical style was met with disdain by the contemporary religious and cultural figures of the time. one of th...