Wednesday, March 28, 2012

Waxaan u soo Joogay :!


Dharaar waliba sheeko cusub bay la timaad, Qorax walba oo soo baridaana waayaheeda ayay leedahay. Maalin tu kale sawaabisaa ma jirto, mid waliba waa aroor gooni ah iyo foof cusub.
Waqtigu intaasi wuu is gurayaa, wuu ordayaa, wuu ruclaynayaa, xaguuse igu wadaa? ma godkii Aakhiro iyo iil!.
Hadii Dunida lagu waarayoo daayin noqonayso, Nabi Maxamed (NNKH) baan laga direen goor la joogaba'e.

Yaqiinta ama dhabta qudha ee noole beenin karaa jirin waa geerida, Maalin kasta warkeeda ma li'in oo hebel baa go'ay iyo heblaayo ayaa hoyatay way ina soo gaadhaa. Dabcan dhaawaca iyo xanuunka geeridu inagu kala wayn laakiin sidii umusha waan ilawnaa oo muddo markay kasoo wareegto, giraantii nolosha ayaynu halkii ka eryanaa.

Ilaahay Qof kasta gooni buu ka dhigay, gooni baa loo abuuray, aakhirana gaar ayaa loo xisaabinayaa. Ruuxna ruux kale la waydiin maayo! Aadamaw waa adiga iyo Eedaadkaa....
Sida taas oo kale nolosha qof wali noolyahay wacdaro iyo waayo gaar bay leedahay, badhaadhe iyo jab gaar ah bay leedahay, Madaw iyo cadaan gaar ah bay leedahay, dad iyo duunyo gaar ahna way leedahay.

Baryaha Tirada kooban ee faro-ku-tiriska ah ee aan jiray, Dhul badan baan maray, dad badana waan arkay, Laakiin saamaynta ay igu yeesheen kala fog oo kala balaadhan, maalmuhuna kala dhadhan iyo xusuus macaan.

Inaan mareegtan cid waliba dheeganayso kaga sheekeeyo waayahayga ma jecli, Laakiin qof waliba hadii uu dib u raaco waayihiisa, dib u fiirsho waxa soo maray, runtii waxa uu arki karaa in Buugag dhan ka qoranyihiin, waad muraaqoon mararka qaar oo adiga oo muusoonaya ayaad is arki, mararka qaarna waad murugoon oo adiga oo wajiga is galiyay baad dareemi.
Dad aadan baryahan xusin ayaa mar qudha sida danabka ku jiidhi doona, qaar kalana galladahooda ayaa tirada ka bixi, Hadii aad si gun dheer u sii xusuusato, dad ayaad dareemi inay noloshaada qayb wayn ka qaateen oo ay wax ka gaysteen abuurkaagan maanta nool ...
Hadaba "Abaal raaga rag baa lehe" , Ha iloobin dadkaasi..

Maxaan u soo joogay hadaba?

Waxaan u joogay, Waayahayga gaarka ah, Weedhahooda kala duwan, Wajigooda sooca ah.







Friday, March 2, 2012

=Sanad-Guuradii 40-aad ee ka soo wareegtay Qoritaanka AF-Soomaaliga

Dhalashada afkaygiyo
Dhigashada Fartaydaan
Kaga baxay dhibaatoo
Hawlihii ku dhaafee.
Waa inaan ku dhaataa afkayga!

~Hadraawi

Weedhahaasi ma dhab baa misa waa dhalanteed, Hadii dharaartii afka la qoray lagu dhaadanayay, maanta waaba laga dhalaalayaa, Hadii Afkani hadli lahaa, oo dhawaaqi lahaa, calaacal lamuu fadhiisteene, Inkaar iyo habaar ayuu dusha inooga tuuri lahaa, carabkiisa wax wacan oo ina sheegaya kamay soo baxeen.

Miskiinkan Laxashka Saaran, een Miciin iyo lahayn cid u gargaaraysa, Miskiinkan Milica xagaaga iyo haamadayga Jiilaalku isu waydaarteen, Miskiinkan Qorax waloo soo baxdaa rukun ka reebto, Golcas walba iyana Raxan ka qaado.

"Wixii la qoraa, Quruumo Hadhee, Muxuu Hadal qiimo leeyahay"
~Cabdi Sinimoo

Imisa Hanad baad afbartay, Imisa Aftahan baad Ilhaamisay, Imisa Abwaan baad Laaskaaga u hibeysay. Badanaa oo Badanaa galladahaagu, Yaraase ruux ciddina dhahoo wax kuu quudhay, Wax kale garan maayee, Caaqsanaa Awlaadaadu!

Waxba yaan hadalku Ila durkine waxaan ku soo duubay

Af-yahaw Irdhoobayee, Aduunyada ku gaamuray, Aayahaagu daranaa!,
Hadii aad nin door tahay, Kolay waad aragtoo, Adba waad qiyaastaye ,
Arladani dusheeda, Ayaamaad ku leedoo, Iilkii baa ku sugayee,
ina aad dhawaatay, Afar-laydan Bukaanka ah, iyadaa markhaati ah...
aan soo dhaweeyee, wacanaw afkaygaw,Arrintii xumaatee, miyaan ku aroosnaa!,

Oh Allah! Save us from the Balwo.

The advent of "Balwo" Musical style was met with disdain by the contemporary religious and cultural figures of the time. one of th...