Monday, November 29, 2010

Raggu waa Sadex Jaad;


Ragga ayaa u qaybsama Sadex Jaad, Waa marka aan maankayga la kaashada'e.
  • Jaadka Kowaad :- Waa ninka naftiisa iyo Qoyskiisa ku filan, Baahidoodana Dabooli kara.
  • Jaadka Labaad:- Waa nin intaa ka balaadhan, oo ku darsaday manaafacada Qaraabadiisa
    Tuuladiisa, ama Dadka Ay ood wadaagta yihiin.
  • Jaadka Sadexaad:-Waa Kan ugu tirada yar laakiin ugu saamaynta iyo mugga wayn, Waa kan Taariikhda baal dahab ah kaga qorma, Waa kan Uumiyuhu xasuustan Ee ay xusaan mar cadkiisii baaba'ay aboorkuna quutay, Waa kan Dhalaanka loogu tilmaamo Xaaji-Cabaase "Role model" , waayeelkuna ku sheekeeyaan Mahadhooyinka uu dhigay, waa kan Abwaanadu Halhays uga dhigtaan Maansooyinkooda, Waa ninka Weedhihiisu Halhays Noqdaan, Waa ninka maahmaahdu maraga u tahay "Waari mayside War ha kaa hadho."

    Ninkanu waa nin aan Xuduud Xidhaa jirin, Waa nin aan maankiisu iyo cagtiisa midkoodna xasilin, ninkanu Edeg deeqi kartaan jirin, Xadhig Dabri karaan jirin, masaf koobsan kartaan wali la soohin.
    Ninkani waa nin u Heelan Horumarka Ummada, Waa nin ka fakarka UMMADDA aan u ladin xirribahana isa saarin, Waa nin dhafooradiisa aad ka garato waxa dhibay, Waa nin hiirta, barqada, milica, fiidka , saqbadhka, iyo golcastaba u shaqeeya danaha UMMADA.

    Ummadani sideen ku qeexaynaa? Nin walba hankiisa iyo garashadiisu Gidaar soo celiyaa jira, Hadii ay tahay Barismaadkii markii Soomalidu intii Muslima ahayd, Ninkani waxa uu ahaa ninka u shaqayn jiray danaha guud ee Beeshiisa iyo dadka ooda la wadaaga, Markii gumaystuhu yimi ninkani Waa ninkii ka dhiidhiyay una kuur galay Xoraynta Dadkii Soomalida ahaa, Markii Madaxbanaanida la qaatay, Ninkani waa ninkii u fikiray Diinta oo la gaadhsiiyo daafaha dunida, Qaarada Afrika oo la Xoreeyo ama Dalka oo dunida horumartay lagu daro nin waliba halkii garashadiisu gaadhsiisnaynd isaguna doorbidayay.

Intaas waxa soo raaca Qolo kale, laguma tilmaami karo Jaad rag ka mid ah, Waayo ninka raga hadii aanu qoyskiisa ku filayn waa dhimantahay raganimadiisu, hadii naftiisa aanu daryeeli karina bini-aadamnimadiisa ayaan buuxin. Qoladani waa kuwa la yidhaa, Doqmaha, Nasaqyada, Anaaniyiinta IWM , Eebe inagama Yeelee.

Isqiimee oo midkee baad tahay?
**Ruuxaan Dantiisiyo aqoon, waxa daryeelaaya**
**Inuu Deeqda Eebahay ka qaday, dib u xusuusnaada**

Hadraawi...

No comments:

Oh Allah! Save us from the Balwo.

The advent of "Balwo" Musical style was met with disdain by the contemporary religious and cultural figures of the time. one of th...