Thursday, January 26, 2012

Suugaanta Dhalaanka

"Daayeer iyo Ilmo dhalaan ah , Daawashadooda lagama daalo"

Caruurtu waa Bilicda nolosha sida Eebe Ku xusay Quraanka, Caruuri waa beer, Waa Mucjisooyin luga leh, Markay ay dhoolaha kala furaan ee ay qoslaan, Xadhko ayaa ku dhaqaaqa markaasaad sidii cuudka oo kale kolba Cod iyo jabaq adiguuni aad maqlayso kaa soo yeedhaa, Xasilaad baad gashaa oo daal iyo diif wixii ku saarnaa mar qudha ayay kaa dagaan.
Markay ay soo gurguurtaan ama soo xamaartaan ama ay soo talaabsadaan ee ay goshaada ku dagaan si lama filaan ah ayaad u muusootaa,oo waxaad is aragtaa adiga oo labada dabaq ee ilkahaagu dibada yaalaan.
Dhalaanka Codadkood iyo weedhahooda aan badiyaa la dhugan karin lana fahmi karin ayaa dhagta u ah nasiimo , Hadii ay dhaguhu wax xalaal ah oo Eebahay baneeyay ku raaxsanayaan waa dhawaqa shimbiraha, Codka dhalaanka iyo Quraanka.
Haddaba Abuurkan Waalidkiisu u qabo Muxubada aan xuduudka iyo shuruuda lahayn ayaa waxa uu u sameeyay tixo iyo tiraabo soo jiidasho leh, Gaar ahaan dhinaca hooyooyinka oo iyagu ka sakow xublada sagaalka bilood iyo xanuunka fooshee, quudiya oo saba dhalaankan ilaa inta uu labadiisa lugood ku istaagi karo, kama hadhaane isagoo ciroole ah ayay wali is waydiiyaan talow caawa sidee buu ku laday? saaka siduu ku baryay?muxuu ku suganyahay? iwm.

Maadaama ayna jirin meelo kayd ah oo badiyaa loogu hagaago walxahan oo kale ayaa aniga oo xusuustayda la kaashanaya xagani aan ku xusay qadhiidh yar oo ka tirsan suugaantaas loo tirin jiray dhalaanka. Badiyaa intan waxa aan ka maqlay Ayayday (AUN) oo walaalahay kuwa iga yaryar iyada oo u qaadaysa ay dhagtaydu xadi jirtay.

Suugaantan lafteedu Ilmaha aad ayay uga caawin jirtay barashada afkan soomaaliga. Dad haatan waawayn ayaa aan fahmayn macnaha tuducyo badan laakiin waxaan odhanayaa, waa nasiib xumidiin hadii markaad yaraydeen ama idinkoo waynba meel agtiina ah laga qaadin.

Ta kale ee muhiimka ahi waxa ay tahay inaad taqaan ama horey u maqashay qaabka loogu dhawaaqayo ama loogu luuqaynayo oo iyadu dhadhan gooni ah u yeelaysa.
inta badan waxa ay wadaagaan ""Huwaay Huwaay Huwaayaaa"

Adoo xalxaleetinaaya
Adoo xeebaha gudbaaya
Adoo xamar yare ku jooga
Adoo gabdho xoominaaya
Ayaan xalay kugu riyooday
oooon xalay kugu riyooday"Huwaay Huwaay Huwaayaaa"

------------------------

Ayaa dilay oo dagaalay
ayaa Dakharada ku jiiday
Ninkii dilay dayni maayo
Dagaal baa naga dhaxeeya
dab iyo qool baan u qaadan
"Huwaay Huwaay Huwaayaaa"


Tan iyo ta soo socota marka ilmahu ooyo ayaa lagu sabaa.

Ma naaskii baa gabnoobay
Gabnoobay ood godol ka wayday
ma geelii baa arooray
arooroo oon ku raagay
ma aabaa kaa socdaalay
socdaaloo socod ku raagay "Huwaay Huwaay Huwaayaaa"



Hooyadaa Ma joogtoo
Kabaheegay qaadatay
Kor iyo koonfur aaday
Geel-jire helyaa mooyi
Geed seexataa mooyi.

1 comment:

Ubax cabdullaahi Axmed dhimbil said...

Masha Allaah .xasuus bay igalisay runtii walibo mida .hooyadaa majoogto .shukran

Oh Allah! Save us from the Balwo.

The advent of "Balwo" Musical style was met with disdain by the contemporary religious and cultural figures of the time. one of th...