Wednesday, March 28, 2012

Waxaan u soo Joogay :!


Dharaar waliba sheeko cusub bay la timaad, Qorax walba oo soo baridaana waayaheeda ayay leedahay. Maalin tu kale sawaabisaa ma jirto, mid waliba waa aroor gooni ah iyo foof cusub.
Waqtigu intaasi wuu is gurayaa, wuu ordayaa, wuu ruclaynayaa, xaguuse igu wadaa? ma godkii Aakhiro iyo iil!.
Hadii Dunida lagu waarayoo daayin noqonayso, Nabi Maxamed (NNKH) baan laga direen goor la joogaba'e.

Yaqiinta ama dhabta qudha ee noole beenin karaa jirin waa geerida, Maalin kasta warkeeda ma li'in oo hebel baa go'ay iyo heblaayo ayaa hoyatay way ina soo gaadhaa. Dabcan dhaawaca iyo xanuunka geeridu inagu kala wayn laakiin sidii umusha waan ilawnaa oo muddo markay kasoo wareegto, giraantii nolosha ayaynu halkii ka eryanaa.

Ilaahay Qof kasta gooni buu ka dhigay, gooni baa loo abuuray, aakhirana gaar ayaa loo xisaabinayaa. Ruuxna ruux kale la waydiin maayo! Aadamaw waa adiga iyo Eedaadkaa....
Sida taas oo kale nolosha qof wali noolyahay wacdaro iyo waayo gaar bay leedahay, badhaadhe iyo jab gaar ah bay leedahay, Madaw iyo cadaan gaar ah bay leedahay, dad iyo duunyo gaar ahna way leedahay.

Baryaha Tirada kooban ee faro-ku-tiriska ah ee aan jiray, Dhul badan baan maray, dad badana waan arkay, Laakiin saamaynta ay igu yeesheen kala fog oo kala balaadhan, maalmuhuna kala dhadhan iyo xusuus macaan.

Inaan mareegtan cid waliba dheeganayso kaga sheekeeyo waayahayga ma jecli, Laakiin qof waliba hadii uu dib u raaco waayihiisa, dib u fiirsho waxa soo maray, runtii waxa uu arki karaa in Buugag dhan ka qoranyihiin, waad muraaqoon mararka qaar oo adiga oo muusoonaya ayaad is arki, mararka qaarna waad murugoon oo adiga oo wajiga is galiyay baad dareemi.
Dad aadan baryahan xusin ayaa mar qudha sida danabka ku jiidhi doona, qaar kalana galladahooda ayaa tirada ka bixi, Hadii aad si gun dheer u sii xusuusato, dad ayaad dareemi inay noloshaada qayb wayn ka qaateen oo ay wax ka gaysteen abuurkaagan maanta nool ...
Hadaba "Abaal raaga rag baa lehe" , Ha iloobin dadkaasi..

Maxaan u soo joogay hadaba?

Waxaan u joogay, Waayahayga gaarka ah, Weedhahooda kala duwan, Wajigooda sooca ah.







No comments:

Oh Allah! Save us from the Balwo.

The advent of "Balwo" Musical style was met with disdain by the contemporary religious and cultural figures of the time. one of th...