Monday, October 22, 2012

Waanigaa Qiyaas li'i

Qumuc iyo kulayl baa
Qalbigay gubaayoo
Qotonkiyo socodkii
Hurdadii ka qarwoo
Qaban waayay gogoshii.


Waanigaa qiyaas li'i
Qarka dumay hebeenkii
Qorqoraaya weedhiyo
Qaraafa-dhug waawayn.

Waanigaa Qiyaas li'i
Qadhqadhaaya kaligay
Qawadayaa ruuxii
Qisaskayga dhuganee
Ila qaadi murugada.

Qaadirkaase doonoo
Qadarkiisa weeyiye
Quraankaasi ii dhiib
Qiblada aan abaaroo
Ku ducaysto Qayrkiyo
Ruuxdanoo Qabawdee........

No comments:

Oh Allah! Save us from the Balwo.

The advent of "Balwo" Musical style was met with disdain by the contemporary religious and cultural figures of the time. one of th...