Monday, September 29, 2008

Afmaldaha afka soomaliga-- Qaybtii 1aad

Afmaldaha ama Afka maldahani waa hadalka oo la sogordahay (daboolay). Si fudud, waa hadalka oo sida uu yahay maahee si kale loo dhigo. Afmaldahu waxa uu ku daraa luqada qurxin, gaabin , ujeedo qeexid isla markaana ka dhigaa hadalka mid soo jiidasha leh.
Afmaldahu waxa uu la mid yahay Balaaqada luqada carabida (بلاغه). markaa hadii aad ta carabida hore u taqaanay dhib kugu yeelan mayso soomaliga afmaldahiisu.
Noocyada afmaldaha.
Jaadadkiisu waa Ekeyn, Qofayn, Sarbeeb, Dayrin(Yamxeero), Buunbuunin iyo Sillan-sugan. Suugaanyahanada qaar baa intaa ka badiya, laakiin ilaa imika inta lagu heshiiyay waa intan.
1-Qofayn:-
Qofayntu sida magaceeda ka muuqata waa inaad shay aan qof ahayn ula hadasho sidii qof ku fahmi kara kuuna jawaabi kara.Had iyo jeer maaha in ay walaxdaasi jawaabto laakiin waa inaad u ekeysiisa in ay walaxdu ku fahmayso.
Tusaale
Ismaaciil mire wuxuu yidhi.

Guuguulihiiyow haddaad guga u ooyayso, *
hadaad mooday keligaa inuu gubayo jiilaalku,
Oo aad gabooyahan ku madhan gama' la'aan diiday, **


*Guuguule=nooc ka mid ah shimbiraha.(shimbirkan waxa loo yaqaan sidoo kale shimbirka colaada)
**gabooyaha= qalabka dagaalka.
Gabaygan waxa uu ismaaciil mire la hadlayay guuguulaha. laakiin guuguulaha oo shimbir ah fahan iyo jawaab toona lagama filayo. waa taas qofayntu.
Tusaale 2
Cali xuseen wuxuu yidhi:-

Fiin yahay adaa ololayoo, oohin ciirsadaye*
Haddii aan laguu imannin waad, aammusi lahayde
Maxaad aragtay waan kula qabaa, uurkutaallada'e?

Waxay tidhi "Ilaahay taqaan, aad u garanayso
Oo aad Islaam tahay iddaa, waa irdhaysnahaye."


gabaygan cali xuseen waxa uu la hadlayay fiinta oo ah nooc shimbiraha ka mid ah, sida inoo muuqata waxa uu cali xuseen ka dhigay fiinta mid u jawaabtay oo uu yidhi waxay tidhi. waataas qofaynta in shay aan qof ahayn laga dhigo qof.

2-Ekeeye:-
Ekeyntu waa shayga loo yaqaan carabiga tashbiih (تشبيه) oo ah in aad shay u ekaysiiso shay kale. inta badan waa barbardhig, waxana loo adeegsadaa badanaa amaanta.

Tusaale
Maxamed Axmed kuluc wuxuu yidhi:-
sida geed caleenloo
ubax guud ka qariyo
ooy gooni laamahu
ay midiba geesteed
hoobaan is gaadhiyo
guntin midha ah leedahay
oo soo gandoodoo
galka faraqa soo daray
oo godon barwaaqiyo
durdur aan go'ayniyo
gacan webi ku yaaloo
oon gu' iyo jiilaal
midab guurin baadtee

Gabaygan maxamed kuluc waxa uu gabadha uu amaanyay una ekeysiiyay geed wayn oo caleen leh , isla markaana midho badan oo bislaaday leh, midhahaas oo ah hoobaan ( kuwa iyaga oo aan la karin la cuni karo sida cinabka), geedkaas ku soo foorara haro ka hoosaysa, haba soo fooraree waabu taabtay oo biyihii ayay laamihii ku ciyaarayaan, oo hirarka biyaha kicinaya. Haradaas gacan biyaha ku soo shuba ayay leedahay oo aan gudhayn gu'a iyo jiilaal.

3-Sillan-sugan
Waa xusid laba weedhood oo iska soo hor jeeda ama liddi isku ah. sida magaca inooga muuqata sillan waa shay wax u dhimanyihiin ama naaqus ah, sugan waa shay dhamaytiran amase xaaladii lagu yaqaanay ku sugan oo aan nuqsaan lahayn.
Tusaale:-
Qaasim wuxuu yidhi:-
Dacartuba mar bay malab dhashaayood muudstaa dhabaqe.
waxaan ahay macaan iyo qadhaad meel ku wada yaale.
midigtayda iyo bidixdaydu waa laba mataanoode.
Midi waa martida soora iyo maata daadihise.
midina waa mindiya xiirayiyo murriyo deebaaqe.
Masalooyin talantaaliyaan maandhaw leeyahaye.

Qaasin tuducyadan waxa uu ku sheegay waxyaabo badan oo isku liddi ah, ka bilaw dacarta oo ah geed ku caan baxay qadhaadhka ayaa waxa uu sidoo kale xusay dhabaqa ay bixiso oo isaguna aad u macaan , macaanka iyo qadhaadhkuna waa isku liddi. deetana waxa uu isku matalay sida dacartaas qadhaad iyo dhabaqeeda macaan. dabadeetana waxa uu ka waramay labadiisa gacmood oo uu yidhi midina waa mid martida soorta oo caruurta iyo cidii itaal daran u wanaagsan, ta kale se waa midiyo af leh oo wax jaraya iyo sidoo kale qadhaad ( Mur=Deebaaq= aad u qadhaadh).

No comments:

Oh Allah! Save us from the Balwo.

The advent of "Balwo" Musical style was met with disdain by the contemporary religious and cultural figures of the time. one of th...