Monday, September 29, 2008

Dabar magaalo ---- Riwaayad

Muuq

Ina daanwayne :- Aabo waa markii u horaysay ee aan masuuliyad ku saaro, magaalkaan kuu dirayaa, waxaan mooro iyo xoolo lahayna manta adaa u sareeyoo safarkaad u baxaysaa ee maankaaga la kaasho.

Meeshu waa dhul magaaloo , muslim baa wada yimid , maqaaxiyana way ximximaayaanoo murankaa la isku xadayaa, marwooyin baa ka buuxoo raga way malgaanoo shilinkay ka shubtaan. Gawaadhi baa susumaysoo mootooyin baa ordaayoo oo dadka way dulmaraanoo daqiiqahay ka dhigaane dareenkaaga bislee.

Aabo waxaan kuu dhiibay waa koreenkeena macabaade laba haraga iyo 13 ahmina .

Dubbad:-Aabo sidaad carbabaatay waa markii u horaysay een safar u baxaayo, hadii eebe yidhaahdana habeen iyo maalin heegan baan ahaanoo, habardugaagaba dhaafe hantaaq baan ka ilaalin, kolay waa hantideene, ha walwalin hufnaani iyo karti baan ku sii horiye.

Muuq

Dulqamaan:- Waar waatanoo baryahan suuqii waa xajare, Mid acraabi ah oo aduunkaba la raad ahayn oo aan majaraha u qabano hareeraha inooga eeg.

Dilaal 2:- Waar bal halkaas fiiri , Walee macamuustaas iyo go’aas siigadii baa ku taale yayna ina seegin

Dubbad baa soo galaya”

Muuq

Dulqamaan iyo dilaal:- OOw salli cala nabi, dhinacan soo mar, inakeen, …………

Dubbad:- Bartiina iga jooga , balaad wadatiine , waar waa duulkii baabnaa la sheegi jiray.

Dilaal 2:- Inaadeer bal horta budka dhigo oo is daji

Dubbad:- Inaadeeraa, oo ma reer Qudhac raamoolaad ahayd.

Dulqamaan:- Nacam anaa reer qudhac raamoole , waar ninka sii daa , inaadeer ina mari.

Dilaalka kale wuu soconayaa”

Dubbad:- ku gartaye yaad ka tahay reer qudhac raamoole

Dulqamaan:- reer kildhi, adna

Dubbad:- reer acraab,, oo ina daanwayne ayaa I dhalay oo magacaygu waa dubbad

Dulqamaan: hayaay ma ina daanwayne, ma odaygii beesha, dee markaa hooyadaana waa islaantii cudbi

Dubbad:- haa

Dulqamaan:- maad garan islaan ay hooyadaa cudbi ilmaabti ahaayeen oo la odhan jiray cambaro madaw

Dubbad:- haa

Dulqamaan:- islaantaasi gabadh ay ilmaadeer yihiin oo la yidhaa dahabo, dee weeyi hooyaday

Duubad:- magacaa

Dulqamaan:- waa dulqamaan

Dulqamaan:- Waar bal warkii reerahii is sii

Dubbad:- Beesha aan wada naalo, gaar ahaana cideena, dadku waa wada wacnaa. Dhulka waa iska wanaag doogna waa ka badnaa, dhalintu hees iyo maad hawaday la socdeen, haweenku waa iska mashquul oo caanahay lulayeen. Odaygu waa bulukeeti oo danta uun buu ka hadlaa , hawsha ku hagaagtina waa inuu ooda adkeeyo.

Warkoogii waa intaase ee wixii aad war ka hayso sayladaa aynu joogno iyo magaalka gunta wayne lee indhahayga wareershay , xooluhu intay marayaan , aduun mood iyo nool raashinku inta uu ka joogo warkeeda balbalaadhi.

Dulqamaan:- warkeeda aan ku siiyee sayladaas aad u jeedo maalmihii u danbeeyay xooluhu waa ku jabeen oo moodhadhaa la keenayoo ciidaas bay ka bateen. Oo cidna way u bixiwayday oo gagaday ka bateen, gaar ahaana cideena xoolahay wadatay xanuunaa lagu sheego dawladaa mamnuucday. Dibida waxaan ahayna daadkaaba la raacshay. Waxaanse kuu sheegi awrkaa korenkeed hogaanka u hayso, xeradiisaaan ku hoyaadin waayo halkan iib kuma haysto , wixiise ahmineed wadato ee waliba ceeb ka saliima marka dawladu baadho anigaa dad wanaagsan iyo gasaarlay dumarwaynaha kaaga iibin doona. Adiguse mudadaad ila joogto , albeerkaan ku seexin , waanan kuu xigto miisi ee marti raad leh ahaw.

Dubbad:- xaga jiifkayga gagadaan iska seexan . mudojooga magaalana balan baad iga siini, ee meesha hore iiga dhaqaaji.

Muuq

Dulqamaan:- walee kaan doonayay hadaan helay , majare u qabashaad sheegiye kan waaban luminayaa, walee xoolihiisan waa in aan ingiriiska ka tagaa.

Muuq

Dulqamaan:- daahiraw ninkani waa inaadeerkay , waanu ku cusubyahay magaalada markaa caawa beel uu dhinac dhigo ayuu doonayaa dee adaanan kuu soo waday ee casuun oo madaxa saar.

Daahir:- igu dhaaf ibnu camak mush ibnu camii bay tidhaa carabtu

Dulqamaan:- wakaa dee anuu , dubadaw inaadeer xagaa sii jog, barri barqadana anaa kuu iman .

Dubbad:- Waar saan aan dhulka dhigto iyo go’a aan huwado walaalaw i sii.

Daahir:- Aboowe sidaa maaha noo, joodari iyo kubeerto camal baan ku siinaa.

Dubbad:- jeedal iyo beera oo ma dibi baad na mooday “cadho”

Daahir:- sidaa maaha noo, waxaan uga jeeda saanta magaalada iyo go’agooa.

Dubbad:- dee maad sidaa noogu sheegtid, halkeed jeedal iyo beer u sheegayso misa waa afka reera magaalo.

Dubbad wuu seexanayaa”

Muuq

“dubbad oo sugaya dulqamaan”

Dubbad:- waar ninkii waakan raagaye , ma barqaday xilli kale u yaqaanan reer magaaluhu, b al labadaa wiil soo waydiiyo

Dubbad:- dhalinyaro ma barideen

Dulsaar:- ma barideena , waar ma qarnigii horaad ka timid

Dugsiiye:- isticmaal salaamaha cusub sida hi, keef xaalak , ahlan wa sahlan , ma barideen iyo yaan lagaa maqlin habalaahaa kaa didiye.

Dubbad:- Waxaan idin waydiiyay barqo ma tahay misa ma aha oo anaa indho sarcaadan

Dugsiiye : maye waa tobankii

Duubad:- toban garan maaye saw barqo maahin

Dulsaar:- haa

“Dugsiiye iyo dulsaar way tagayaan”

“waxa uu ka calaacalayaa raagida dulqumaan”

Muuq

“dugsiiye iyo dulsaar baa u soo laabanaya dubbad oo aan wali ka dhaqaaqin albaabkii albeerkada:

Dugsiiye:- bal maxaa ku daaray , ma milicaad ilaa kolkii maluugantahay . waana labadiiye bal ina mari ku gayno maqaaxidee.

Dulsaar: dugsiyaw , ninkan aan gargaaro, indhihiisay ka muuqataa nin la marin habaabaiyay

Dugsiiye:- hi keef xaalak

Dubbad:- waa nabad

Dugsiiye:- Casuumad baan kuu fidinee, ha nagu celin

Dubbad:- ma diidayo, deeq la diida tu la waayay dhashaa

Muuq

“Maqaaxida ayay fadhfadhiisanayaan markaa mudalabkii baa imanaya”

Mudalab:- nafar bariis ah , nafar baasto ah, waslad hiliba , jaambad macsuuba, federation, ceebla, harakoo, fuul macane, laxam dajaaj, wuxuun dalab.

Dubbad:- wax kale garan maaye bal ceebladaas keen

Mudalab:- qabso

Dubbad: - waar waa maxay ma sabaad baan ahay, “budka ku dhufo miiska” waa maxay calooshu.

Mudalab:- adaa doonee maxaad ku diiday, waar waxan qalbi xajarku muxuu ahaa.

Dugsiiye:- waa reer miyigeeno, dhaqan ba maliigee, hala yaabine muusaw, waslad hiliba u keen.

Mudalab:- hilib buu keenayaa

Dulsaar:- waar maxaa ku daaray oo ku taagay banaanka ilaa barqadii

dubbad:- qisadii buu u sheegayaa

“dulsaar iyo dugsiiye qosol bay u dhacayaan”

“magacaantoodana way u sheegayaan oo way is baranayaan”

Dulsaar:- Dee waa lagu dhacoo , nimankii dilaalintii baad afka u gashay

Dugsiiye:- orod xoogso adeer , anagu kuuli baan nahay markaa nala xoogso maxaad ka qabtaa

Dubbad:- dee hadii lay xaday oo waxba aanan haysaan, reerihii ku noqon kari maayee ina marsha aan xoogsanee.

Muuq

“iyagoo shaqadii ka soo noqday”

Dulsaar:- waaryaahee dee qayilkii uunbaa inoo dhiman.

Dubbad:- qayilaadaa

Dugsiiye: kuu sharixi kari maynee ina mari.

Dubbad:- waayahay

“mijiliskii baa la gaynayaa”

“la qayilayaa oo la fadhiisanayaa”

Dubbad:- oo ma sida xoolaha u daaq baad I leedihiin

Dugsiiye:- Dubaddaw ha caayin, hana aflagaadayn, hadii aad calaliso, daankana ku huuriso, hawadaadba tagiyo , himilaad samaysane, ma ogtahay hanadadu , in ay dhamaatood, hoosta ku wada haystaan, ma ogtahay wadaadu ,waysada sideeda, warankiyo kitaabka, in ay dhamaatood, waladaw barjeeyaan.

Dulsaar:- waa geed barakloo, lagu dayro gaajadoo, gulufkiyo colaadana, looga dhigay gariyo xadhig .

Dubbad:- halkaa ku joojiya , ma rag baan ka liita misa wax dheerahay, waar I sii

Dayib:- dubbadaw ka joog, nimankani way ku halaynayaane, yaan dabin magaalo laguu dhigin walaalaw. i soo raac oo ilaahay baro walaal.

Dulsaar:- waar tag dayibaw, ninka ha wareerine.

Dubbad:- sawdigii lahaa wadaadu way cunaan

Dugsiiye:- waar kani wadaad maaha ee waa sheikh.

Dulsaar:- waa duul cusub weeyi. Saw wadaadkaa ma arkaysi wuu qayliayaa.

Dugsiiye:- dubbadaw horta dharkan duugmay baad bixisid.

Dubbad:- oo maxaan xidhaa

Dugsiiye:- caawaan kuu soo iibinayanaa qaar cusub

Muuq

Dalal:- s/c adeer wax wara ma laga hayaa wiilkii safarka u baxay

Ina daanwayne:- adeer dalalaw wax war iyo wacaal ah toona wiilkii kama haynee cid baxaysa oo magaalada tagaysa ma ogtahay.

Dalal:- adeer anigaa dhawaan baxaya oo xoolo gaynaya markaa maxaad u baahnayd.

Ina daanwayne:- adeer Allaan kugu dhaarshee wiilkii warkiisa iyo bidhaantiisa ii soo raadi.

Dalal:- igu daa taas adeer.

Ina daanwayne:- wiil jira noqo adeer , cirro maahina cadaabkii la’aw

Dalal:- aamiin

Muuq

“Dubbad oo dhar cusub loo xidhay, gaar ahaan kuwa yawyawga”

Dugsiye:- Allaylahe imikaad u egtahay basher markii hore nooc minal jin baad ahayde.

Muuq

Dalal:- Waar ninkaasi ma dubbad baa

Dubbad:- waa isagii

Dalal:- waar maxay aduunyadu, dadka doorisaayooy, dubadaw halaysaa, daayinkaan ku dhaartee, duudi dhamaanteed, way dabaaldagaysoo, durbaan bay tumaysoo, dubbad waa imaniyo, wuu soo socdaa baa, la isku sasabaaye , sawdigan halaabay , ee seegay taladii.

Dubbad:- Dalalaw xaqiiqadu way kaa dadnaydoo, jaahil baad ahayde, inaadeer ina mari, ila qaado shaadhkaoo,iska dhiga calalkan, aad ku duugtay xaydhoo, ilbax walaalaw.

Dalal:- Darsigii awawgiyo, tilmaanta diintaan , dabbadaw xambaartoo, kaa diiday halawgee, waxanaad dalbaysaa, waa been rakibanoo, laguu wardinaayee, walaalaw yiqiinso waalidana jooji. Kaa quusan maayo, waan kuu ducayne, waa inoo ya tuuladii, wadaad taqaaniyo, dubadaw wanaagii.

Muuq

“dubbad iyo dayib baa kulmaya”

Dayib:- salaamu calaykum

Dubbad:- hi, keef xaalak

Dayib: w/s dheh walaal oo ta islaamka iigu jawaab

Dubbad: war baa dhacay , oo ma salaan kalaa jirta oo ka sii ilbixsan taydan dee labadii nin iyagaaba markaa laga horumarsanyahay

Dayib:- waa tu soo jirtay dhawr qarni. Oo inagu waajib

“dayib baa xadiisayaa”

Muuq

“dhawr iyo toban iyo sano kabacdi”

“dubbad oo nin wayn ah oo si wanaagsan u labisan”

“waxa uu la kulmayaa dulqamaan”

Dubbad:- wajigaasi waa waji aan garanayo

Dulqamaan:- adna iguma cusbid

Dubbad:- waar u kaadi waa ninkii xoolaha barigii iga dhacay.

Dulqamaan:- waar ha I ceebayn

Dubbad:- waar miyaanad dilaalnimada ka taginba

Dulqamaan:- dee aduunkaa xagaa igaga tagay. Ee bal xageed gaadhay

Dubbad:- meel sare hadii ilaahay yidhaa

Dulqamaan:- waar u kaadi eng.dubadka la sheego miyaa.

Dubbad:- waa isagii

Dulqamaan:- dubbadaw ku haleeya, ama dabin ku dhigyaaba , daayinkaa ku hagaajoo , degreedaas ku siiye, ilatali inaadeer. Waanigan dalanbaabiyee, saylidiiyuun dubaaxee.

Dubbad:- talo “Hadal caadi ah oo waayeel”


Sidoo kale riwyaadan waxa qayb libaax ka gaystay xasan maxamed rooble

Cadnaan xasan

No comments:

Oh Allah! Save us from the Balwo.

The advent of "Balwo" Musical style was met with disdain by the contemporary religious and cultural figures of the time. one of th...