Thursday, June 30, 2011

Aniga iyo Maandeeq


♥♥Hashaan gaado weynow libaax uga gaboon waayey♥♥

♥♥Inaan gorayo cawl uga tagaa waa hal soo gudhay♥♥---Cabdilaahi Suldaan Timo-cadde


Hasha maalintaas Timo-cadde Gorayo-cawl inuu uga tago diidanaa, Maanta waxa looga dhaqaaqay ban daleel ah, oo Bisad sabaad ayaa eryata, Hashii barax bay qaaday, milica ayaa salooshay, Haamadayga bankaasina wixii biyo ku jirayba wuu ka saaray.
Hashii wax caano ah lagama filo, waa duq nus qarni taagan, 20 ka mid ah intaasi meel ay jaan iyo cidhib dhigtay lama oga, intii ka horaysayna iyadoo daranyo ah ayay meelahaasi sidii dawri aar kolba raas lagu sheegi jiray.
Waxa mucjiso ah in Maandeeq wali nooshahay, soo taagantahay, rajo uun wali qabto, oo leedahay , "Maruun baan, Maruun bay iyo way iman."
Ta wali su'aashu ka taagantahay waxa weeyi.
Maandeeq yaa iska leh?
Waagii hore waxay ahayd, INAGA, imika waxay tahay IYAGA, Hadhawna sidaan kuhaaminayo waxay noqon CIDNABA.

*Maandeeq i deeqdaye
Adigaa duriyadoo
Waligaa an daaline
Adigaan wixii dan ah
waligaa an diidine
Dadkani habaaska ah
Daranyada u yaala
Kaalay daweeeyoo
Ducfiga ka saaroo
Dunidaasi gaadhsii

*Maandeeq Dayaantay
Durdur aan iga fogayn
Dooxyo noo dhexeeyaan
Doc aanan garanayn
Dubaaxeed ka maqlay

*Sidii nin dardaranoo
Dalanbaabi haysto
Dacalkayga eegay
Dibtayda Fiirshay
Kana dayay hareeraha
deetana dayaamay
Maandeeq Maandeeq
Dunjigaa dareemee
Ereyada i deeqsii

*Ducaysane cadnaanaw
Daktooraw Dhagayso
Doodanaad wadaa waa
Mid hortaa la darsoo
Duqaydii horaytiyo
Nin-door ku daalaye
Dawadoo qayaxnoo
Duxdeedii sidataan
Doobi kuugu shubiye
Bal daji amuuraha.

Maandeeq curatayoo
20 dabshid hortood bay
Duunyada Korkeedan
Qaalin ku dihataye
Abshirskii dadkaygii!!!!
----------------------------
-----

No comments:

Oh Allah! Save us from the Balwo.

The advent of "Balwo" Musical style was met with disdain by the contemporary religious and cultural figures of the time. one of th...