Saturday, December 1, 2012

Midho aan odorosay......Qaybtii 1aad

Suugaantu waxa ay leedahay Jaadad badan, badiyaa hal-abuurka waxa loo adeegsadaa in lagu bandhigo dareen ka soo burqanaya qofka alifaya oo uu rabo in uu is dhaafiyo amase uu dadka tuso amaba   ku hadlo uun oo xoogay nafisaad ah dareemo.

Suugaanta Soomaalida waxa qayb wayn ka ah "Heesaha". Heesaha waxa ku ladhan laxan iyo muusik, cod halaasi ahina waa ku luuqeeyaa. Dhalinyartu heesaha waa xiiseeyaan oo qofba meel baa ka xiiseeyaa.
Anigu waxaan ahay dadka qiimayn gaar ah siiya midhaha heesaha kolkolna sida bini-aadamka oo dhan muusikada ayaan xoogay madaxa la lulaa.

Muddo ayaan waxa aan ururinayay midhaha ku jira heesaha ee si gaar ah ii soo jiitay....qormadani waa taxane aan ku soo qori doono midhaha aan soo xushay una bixiyay Midho aan odorsay.

Lahashada naftaydiyo
Caqligaa lagdamayoo.
Leexadan i sidatee
Maankayga labaysaa 
~Laalays (hibo nuura) 
 ==================
Waligii nin liitiya
Jacaylkuu wadeecaa
Taladiisa wiiqaa
Waxyeelaa kuu gaadhee
waxyeelaa ku gaadhoo


Jacayl wali ma leeyahay?
Waan-Waan Ma leeyahay?
Waanada ma Qaataa?
Ma wanaajiyaa ruux?
*Waan kuu Warramayaa (Qalinle) 
========================
 Allahayaw nin jeeb madhan
Ka janjeedho xaajadu
Caawimaada jecelaa
~Nin Jeeb madhan (Digfeer)
==================
Dulqaad baan kaa rabaa
Dadaal anigaa hayee
Alla deeqdana baxshee
Aduu daacad ii ahaw

===============
Roobka soo Qaw law Qadhqadhay
Qaawanaantayduu arkaa
ee qudhayda Xageen dhigaa
Hidii oo hidii oo hidii dii oo hidii

===================
Sida ruux la dhalaybaan
Kuu dhooddhooliyaayoo
Dhabta kugu hayaayoon
Dhibta kaa ilaashaa

~Dhakhtar baysu keen qoray (Maxamed Burco)
================
Axdi jaba abaal luma
kaa eegi maaye
igadh iyo maqaarkeed 
inagoo ahaanaan 
ku adkeeyay heestee
===============
Marti goor xun socotada
adiga oon gasiin hayn
geeluna imraanayn 
iyo gaabanaw adhi!
===================
Anigoo qab weynoo
Quudhsada haweenkaa
Qoraxyahay gudaysaa
Maankayga qaadee

==================
Weelkaagu hadaanu buuxin
Waxsaarku ku qaban ogaa
weedhaadu itaal yaraa
walalakaa kolay ku tahay
waydiintu waydaysanaa
waxhayntu mar fiicanaa

==================
Cakuye caku
Cakuye naag madaw
cidlaa ka roon
==================
 markaad wada jirkeenii
iyo weheshi diidaan
ana kali wareegoo
wasiisi baan ku maqanahe

~inaan wali ku jecelahay (gacayte) 
=================









No comments:

Oh Allah! Save us from the Balwo.

The advent of "Balwo" Musical style was met with disdain by the contemporary religious and cultural figures of the time. one of th...