Friday, December 21, 2012

Sheekooyin Qadhiidh ah



Fool iyo Bilays
Taladii baa ku cadaatay, dhulkii baa cidhiidhi ku noqday, meel uu u cararo ayuu garan laayahay, magaalkana wuu ku cusub yahay, oday ciroole ah oo ka ag dhawaa oo tusbax sitay ayuu naxariis iyo gargaar ka dayay oo ku yidhi “Adeer, xarunta booliska ee inoogu dhaw waa halkee?” Odaygii :”Adeer horey u soco ilaa 5 daqiiqo, laakiin maxaa dhacay adeer?” Ninkii oo neeftuuraya ayaa yidhi “Xaaskaygii baa foolanaysa!”

Cod xumaa oo wacanaa
Iyada oo heesaysa oo marti sharafka madadaalinaysa ayaa laba gabdhood oo hoos fadhiyay lahaayeen “Gabadhu cod xumaa maxaa fanka galiyay?” Way maqashay wayna isku naxday , mar qudha inta dhidid waawayn wajiga ka soo daatay ayay dhulka isu tuurtay, “fanaanadu  way suuxdaye ha la qabto” ayay labadii gabdhood la soo boodeen, iyada oo la sii sido ayay hadana yidhaahdeen “Eesh calaa fanaanad, Caawa party-gii waa inaga xumaaday hadii ay ka tagtay! Shidh.” ….Fanaanadii way dhoola-caddaysay..!!!

No comments:

Oh Allah! Save us from the Balwo.

The advent of "Balwo" Musical style was met with disdain by the contemporary religious and cultural figures of the time. one of th...